Orodyahannada Soomaaliya U Metelaya Tartanka Olombikada London Oo La Sheegay
Gudiga Olombikada Dalkeenna Soomaaliya ayaa shaaciyey magacyada Orodyahannada Dalkeenna Soomaaliya u metelaya tartanka Olombikada Aduunka ee dhowaan ka furmi doona magaalada London ee xarunta dalka Britain.
Orodyahannadan uu gudigu shaaciyey iney Soomaaliya u metelayaan tartanka Olombikada aduunka ayaa kala ah Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed waxaana lagu dhawaaqay sida gudigu sheegeen kadib markii loo qabtay tartan lagukala saarayey Laba wiil iyo Laba gabdhood kuwaasi oo iyagu in mudo ah tababar qaadanayey.
Sida xeerka Olombikada caalamku qabo amaba yahay wiil iyo gabar ayaa uga qeybgala dalkii aanay usoo gudbin ciyaaraha kale sida kubadda cagta, basketball-ka iyo ciyaaraha kale ee Olombikada waxaana Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed ay nasiib u yeesheen iney magaca Soomaaliya ku metelaan tartanka Olombikada oo Dowladda Britain ay marti gelineyso ayagoo halkaasi Calanka quruxda badan ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ka muujindoonna.
Orodyahannadan waxaa hogaamindoona Macalinkooda Axmed Cali Abiikar ayadoo wafdiga Soomaaliyana uu hogaamindoono macalinkii hore ee Kubadda Koleyga Cumar C/qaadir Baarajab.
Qore: Shafi’i Mohyaddin Abokar




