Ciyaaraha Ramadan Gobolka Minnesota 2012 oo Furmay
Minneapolis: Waxaa maalintii Jimcaha bisha Ramadaana ay kow ahayd 7/20/2012 si rasmi ah u furmay koobka Ramadanka 2012 ee gobalka Minnesota. Iyadoo sanadkaan lagu qabanayo koobka garoonka Twin cities indoor sports Arena oo ah garoon ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.
Waxaa tartanka ku lug leh kuna loolamaya 12 kooxood oo kala ah TC Stars, Midnimo, Tigers, Communality, Halgan, Faynuus, Cedar, Elman, Eden Prairie, Old Stars, 50 Stars iyo US Stars.
Waxaa koobka lagu daah furay labada kooxood ee Midnimo iyo 50 Start, kadib markii la soo afuray. Ciyaartaan oo ahayd mid lawada sugayey furitaankeeda, ayay waxay soo bandigeen labada kooxood ciyaar xiisa leh. Waxay labada kooxood muujiyeen ciyaar degan, inkastoo 50 Stars looga badiyay si dirqi, nasiibkuna uu diiday, iyaga ayaa ka weerar wanaagsnaa kooxda Midnimo.
Haddaba ciyaarto markii ay dhamaatay waxay hal iyo eber guushu ku raacday kooxda Midnimo. Kooxda Midnimo ayaa isla bishaan aan ku jirno July afarteeda ku guuleystay Koobka Soomaali-American Independence Day Tournament.
Ciyaarta labaad ayaa waxaa fooda is daray Tigers iyo US Stars. Ciyaartaan ayaa ahayd mid ka xamaasad kululeyd ciyaartii hore, sababtoo ah iyadoo garoonka la soo buuxiyay. Labada kooxood waxaa aad looga gacan sareeyay kooxda US Stars. Waxaana saddex iyo eber looga badiyay US stars.
Tartankaan ayaa socon doona illaa dhamaadka bisha Ramadaan Agoosta 18-keeda. Waxaa la dheeli doonaa labadda habeen ee Jimcaha iyo Sabtida, saacadu marka ay tahay 10pm habeenimo illaa saqda dhexe. Haddaba dhamaan natiijooyinka ciyaaraha iyo dhamaan wixii akhbaar ah ee ku saabsan koobka Ramadaanka iyo Garoonka Twin cities indoor sports Arena kala soco Ciyaartoy.com.
Qore: Bayer
Bayerref@gmail.com
Tifatire: Abdirahman Mukhtar



