Tartan dhallinyarada lagu wacyigelinayo oo Boosaaso ka socda

Tartan dhallinyarada lagu wacyigelinayo oo Boosaaso ka socda

Garoonka kubbadda cagta Bandar-qaasim ee magaalada Boosaaso waxaa si xiiso leh uga socda tartan kubbadda cagta ah oo dhallinyarada looga wacyigelinayo burcad badeednimada, waxaana tartanka ka qeybgaleysa 14 koox.

Guddoomiyaha dhallinyarada iyo cayaaraha ee gobolka Bari, Mustafa Majacase oo idaacadda Bar-kulan u sheegay in tartanka ay ka qeybgaleyso 280 cayaartoy, ujeedkiisana uu yahay in laga wacyigeliyo inay ku biiraan kooxda burcad badeedda.

Kulamadii ugu dambeeyay waxay koox ku cayaareysay magaca Carmo ay barbarro 1-1 ah la gashay koox ku cayaareysay magaca degmada Qandala, halka koox magaca Biro ku cayaaraysay ay 3-1 kaga badisay Galgalo.

Tartanka waxaa la soo gabagabeyn doonaa 3-da bisha June ee soo socota.

Xigasho: Bar-kulan

Leave a Reply

© 2012 Ciyaartoy.com - All rights reserved. · RSS Farsamadii AqoonKaal.com