Banaadir Telecom oo isku diyaarisay horyaalka

Banaadir Telecom oo isku diyaarisay horyaalka

 

Guddoomiye ku-xigeenka kooxda kubbadda cagta Banaadir Telecom Abuukar Maxamed Sheekh ayaa sheegay inay kooxdu isku diyaarisay horyaalka Soomaaliya ee xilli-cayaareedkan oo billaaban doona bisha June ee soo socota.

Abuukar oo u waramay idaacada  Bar-kulan ayaa sheegay in kooxda lagu soo kordhiyay cayaartoy cusub, sidoo kalena ay la soo wareegtay Maxamed Cabdulle Farayare oo ah macallin rug-caddaa ah.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in cayaartoyda Banaadir Telecom uu u dhan yahay agabkii ay u baahnaayeen, isagoo si kalsooni leh uga dhawaajiyay inaan sanadkan laga xigin horyaalka 37-aad ee kubbadda cagta Soomaaliya.

Banaadir Telecom ayaa sanadkan heshiis ay finaanaddeeda ku xayeysiinayso la gashay shirkadda xawaaladda Sahal.

Horyaalka 37-aad ee kubbadda cagta Soomaaliya ayaa bisha June furmaya sida uu sheegay xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta, waxaana ka qeyb galaya 8 kooxood oo heerka koowaad ah.

Xigasho: Barkulan

Leave a Reply

© 2012 Ciyaartoy.com - All rights reserved. · RSS Farsamadii AqoonKaal.com