Soomaaliya oo kaalinta 2-aad ka gashay koobkii K/gacanta ee Jabuuti

Soomaaliya oo kaalinta 2-aad ka gashay koobkii K/gacanta ee Jabuuti

Xulalka kubbadda gacanta ee wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliya ayaa kaalinta labaad ka galay labo tartan oo kubbadda gacanta ah oo lagu qabtay dalka Jabuuti.

Gabdhaha Kubadda Gacabta ee Soomaaliya

Tartanka oo ay ka qeyb galayeen dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Suudaan ayaa ka dhacday garoonka jaamacadaha ee dalka Jabuuti.

Xulka kubbadda gacanta wiilasha ee Soomaaliya ayaa cayaartii kama dambeysta ahayd la cayaaray xulka Jabuuti, waxaana looga adkaaday 20 gool iyo 11 gool. Waxaa koobka ku guuleysatay Jabuuti.

Wiilasha Kubadda Gacanta ee Soomaaliya

Xulka gabdhaha kubbadda gacanta Soomaaliya ayaa iyagana waxaa 15 gool iyo 9 gool uga badiyay cayaartii kama dambeysta ahayd xulka gabdhaha Jabuuti, oo iyagana koobkii gabdhaha qaaday.

Gabdhaha Kubadda Gacabta ee Jabuuti

Xoghayaha xiriirka kubbadda gacanta Soomaaliya, Nuur Maye Cismaan ayaa sheegay inay cayaartoyda Soomaalida intii uu socday tartanka soo bandhigeen karti iyo cayaar wanaagsan.

Wiilasha Kubadda Gacanta ee Sudan

Xigasho: Bar-kulan

Sawirro: Somali Youth

Leave a Reply

© 2012 Ciyaartoy.com - All rights reserved. · RSS Farsamadii AqoonKaal.com