Munaasad lagu dhaarrinayay wasiirka cusub ee Isboortiska oo Muqdisho ka dhacday
Munaasab lagu dhaarrinayay wasiirka cusub ee Isbortiska Xukuumadda Soomaaliya isla markaana ay ka qeyb galleen masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa xalay lagu qabtay xafiiska guddoomiyaha Barlamaanka ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda lagu dhaarrinayay wasiirka cusub ee wasaaradda Isboortoska ayaa wax ay ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, waxaa ka soo qeyb gallay guddoomiya Barlamaaka Shariif Xasan Sheekh, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Dr. Cabdi weli Maxamed Cali, Ra’iisul wasaare ku xiggeen ahna wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carrab Ciise, wasiirka Garsoorka iyo Cadaallada, taliyaha ciidammada Xoogga dalka, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.
Ugu horreyn wasiirka Garsoorka iyo Cadaallada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Xasan Gaboobe Ugaas Bille ayaa dhaarriyay wasiirka cusub ee Isbootiska Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Jirdo Xuseen, waxaana dhaarrinta kaddib halkaasi hadallo ka jeeddiyay masuuliyiintii ka soo qeyb gashay.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Weli Maxamed Cali ayaa ugu hambalyeeyay wasiirka Isboortiska xilka culus ee uu u qaaday ummadda Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay in uu Xukuumadda gaar ahaan wasaaraddiisa uu ku soo kordhiyo isbaddel wanaagan oo ku salleysan waxqabad.
Sidoo kale guddoomiyaha Barlamaanka mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Maxamuud Jirdo Xuseen uu yahay in waayo arak ah oo horreyna u soo qabtay xilal heer wasiir ah, haddana uu ka rajeynayo in uu guto waajibaadka qaran ee uu qaaday.
Masuuliyiintii kale ee munaasabadda dhaarrinta ka soo qeyb gashay ayaa iyana dhankooda ugu hambalyeeyay wasiirka cusub ee wasaaradda Isboortiska xilkaasi.
Xigasho: Radio Muqdisho



