Koobkii Kubadda Cagta Ee Columbus OH oo si daran doori ah us socoda
Waxaa magaalada Columbus, gobolka Ohio ka socda koobka kubada cagta ee xagaaga oo sanad walba xiligan oo kale lagu qabto magaallada Columbus ee gobolka Ohio. Koobkan oo ah kii 11 ama sanadkii 11, ayaa waxaa haddaba iyagu ku loolamaya ama ka qeyb qaadanaya 16 kooxood oo ka kala socda gobolada Mareykanka iyo Canada. Koobkan ayaa waxa uu soconayaa inta u dhaxaysa 6 illa 8 bishan Abriil 2012.
Kooxda TC Stars
Haddaba koobka oo socda maalintii labaad ayaa kooxda TC Stars oo iyagu kamid ah kooxaha gobolka Minnesota ka socoda ayaa waxay ku guuleeysteen labaddii ciyaar ee ugu horeysay ahaana is ar araga hore. TC Stars ayaa ciyaartii ugu horeysay waxay la ciyaareen koox ka socota gobolka martida loo yahay ee Ohio, ciyaartuna waxay ku dhamaatay 7 : 1 oo ay TC ku badisay. Sidoo kale TC Stars ayaa waxay ciyaartii labaad la ciyaartay koox ka socota Magaalada Atlanta, ciyaartuna waxay ku dhamaatay 4:3, guushuna waxay raacday kooxda TC Stars.
Kooxaha koobka ka qayb galaya ayaa sidan iskugu aadan
| # | Group A | Group B | Group C | Group D |
| 1 | TSS FC | MIDNIMO FC | COLUMBUS STARS | TWIN CITY |
| 2 | MAINE FC | EAGLE FC | SEATTLE FC | SAMBA TMT FC |
| 3 | AZ ALL STAR FC | TRONTO FC | WASHINGTON DC | HORSEED FC |
| 4 | HILLAC FC | MOGADISHU FC | SOMA TIGERS | BOSTON FC |
Bahda ciyaartoy.com ayaa idinla soo socod siin doonta dhamaan natiijooyinka ciyaaraha iyo wixii akhbaar ka soo baxa koobka Columbus, Ohio.



