AF IS DHAAF-DHAAFAY AMAAN MA SHEEGO

AF IS DHAAF-DHAAFAY AMAAN MA SHEEGO

Inta laga hadlin micnaha uu cinwaanka maqaalka xambaarsan yahay  ayaa waxaa la door biday in wax yar laga tilmaamo qiimaha uu sboortiga iyo dadka maamulo ay u leeyihiin guud ahaan aduunka gaar ahaanna soomaaliya,sida la wada ogsoon yahay waxaa maalin waliba soo badanaayo inta xiriir mid toos ama mid dadban la leh sboortiga nooc waliba ayagoo ku dadaalaayo sidii kor ugu soo qaadi lahaayeen hab nololka dhaqameed, caafimaad ee umadda ayagoo u diyaarinaayo cayaaro noocyada kala duwan ee sboorti kaa mid ah si loo hagaajiyo is dhex galka la isugu gudbinaayo hab dhaqan wanaagsan iyo is tix-gelin walaaltinimo. Ka qeyb galka sboorti faaidada uu keeni karo,ka sokow is dhex galka waxaa ka mid ah in uu dhiso jir caafimaad qabo,jir caafimaad qabana waxaa uu helaa maskax caafimaad qabto.  

Waa barbaariyaha ubadka soo koraayo waxa uu ka ilaaliya ku dhaqanka waxa foosha xun oo ubadka u keeni karo dhibaato uu mustaqbalkiisa ku lumiyo. Sboortiga calaamooyinkiisa waxaa kaloo ka mid  ah is qadarin, is jeceel, wadajir iyo isu hiilin markii mid dhibaato ku timaado, waxay ku mideysan yihiin bahwenta sboortiga, dhexdooda lagama helo waana ka mamnuuc arrin qabiil oo keeni karto nin jecleysi ama is qaraabeysi, ayaga ayaa walaalo isu ah.

Ayadoo arrinta sidaas u caadahay ayaa qoraalka waxaa loo doortay cinwaanka ah ( AF IS DHAAF DHAFAY AMAAN MA SHEEGO EE ISMA HURTOOY HA IS XUMEYNIN ) waxa kallifay in maqaal la qoro keddib markii la ogaaday in rag sboortiga qiimo badan ku leh ay waqti yadaan dambe isu adeegsanaayo websaadyada af-Somaaliga ku baxo ayagoo isu marinaayo aflagaado aad u fool xun. Waa run rag dhibaato waa kala tirsan karaa haddana marna looma baahno in far ku tag tag ay arrinta u gudubto, waxaa magaalada idin kula nool saaxibbo  labadiinaba aad qadarineysaan, maxaa idiin diiday in wada hadal furtaan intii aydan billaabin waxa aadka looga yaq-yaqsado oo dhegaha umadda u adkeysan waayeen, haddii runta la idiin sheego xumaan ma ogiye waxba idiin ma kordhin doonto xaaladda ad hadda ku sugan tihiin ee inta goori-goor tahay joojiya dhibaatada dhexdiin ah, rag badan ayaa diyaar u ah in la idin dhex galo ciddii xuumaanta waddana gacanta laga qabto.

Fadlan waxaa si naxriis ku dheehan tahay la idiinka codsaneynaa in sharuud la’aan aad ku joojisaan hadalada foosha xun oo midba midka kale ku sheegaayo. Labadiinna waxaad tihiin dhallin yaro uu sboortiga ididiillo u hayo, bannaanka ha is dhigina, wixii haatan ka dambeeyo yaa mar kale la idinka maqlin hadal aflagaado loo micneyn karo.

Guddiga Odayaasha Sboortga ee London

 Avv. Xussein Diriye Afrah

 Garsoore Muridi Nur Zein

  Danjire A. Mohamed Caalim

  Dr. Abdurahman Cunaaye

 

Qore: Avv. Xussein Diriye Afrah

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

 

Leave a Reply

© 2012 Ciyaartoy.com - All rights reserved. · RSS Farsamadii AqoonKaal.com