Gacmo iyo sport midaysan ayaa guul lagu gaari karaa

how can i get my ex girlfriend back

Reer banaadiriga ayaa marka ay midnimada ka hadlayaan waxa ay tusaale u soo qaataan hal-heeska ah: FAR KALIYA FOOL MA DHAQDO!!!

Xaqiiqda na waxay tahay in sporti mideysan kaliya guul lagu gaari karo,midnimadana ay ka qeyr iyo wax tar badan tahay tafaraaruqa,ayadoo ururada sporting ee London intaas garwaaqsan yihiin ayaa haddana muddo aad u dheer waxaa looga maara waayay in kala tagga ay ka door bidaan midnimada.

Sidii hadafka midnimada lagu soo xasilin lahaa waxaa u tafa xeetay rag xil kas ah oo juhdi badan ku bixiyay sidii loo mideyn lahaa kooxaha London kor na loogu qaadi lahaa tayada ciyaaraha sporti agaoo mar waliba danta dhallin yarada ka hor marin jiray middooda, feejignaan iyo dadaal badan keddib ayaa raggaas waxay ku guuleysteen in ay mideeyaan maamulka kooxaha London ka jira si wixii haatan ka dambeeya ciyaaraha hal garoon iyo isku waqti loo qaban lahaa sidaas na eyan mar kale ku dhicin kala jiidasho tiimamka iyo ciyaartooyda ururada u diiwaan gashan.

Sportiga waa barbaariyaha ubadka,waxa uu ku gubaabiyaa in dhallin yarada ay ka fogaadaan jaadka, muqaadaraadka,qamriga iyo wixii la mid ah oo u keeni karo ama u horseedi karo xabsi ama geeri ay naftooda ku waayaan,sportiga waxa uu dhisaa jirka,jir fiyow na waxa uu helaa maskax fiyo

how can i get my ex girlfriend back

w, sidaas ayaa ayadoo mad-madow iyo shaki toona ku jirin waxa sportiga loo aqoon saday in uu daawo u yahay kana soo hor jeedo wax waliba oo dib u dhac ku keeni karo hor u marinta iyo aayo ka talinta jiilka iyo ubadka soo koraayo si loo helo dad berrito diyaar u ah sidii ay u hoggaamin lahaayeen umadda.

Sportiga sidiisaba waxaa astaan u ah fir-fircooni,is jeceel iyo midnimo,waa dad isu aruursaday in ay la baxaan magaca ah bahweynta sportiga,aad ayeey uga fog yihiin nin jecelsi ama qaraabeysi,waxay walaalo iyo saaxib la yihiin inta ay ciyaarta iskula jiraan, ayagaa si gaar ah isu taakuleeyo kana war qabo una gurmado ciddii ciyaartoy ah oo dhibaato la kulanto.

Midnimada ay ururada sportiga soo xasiliyeen waxay horsed u noqoneysaa in si toos ah loo helo waddadii loo mari lahaa tayeenta xiriirada sporti oo ka jiro waddanka ayadoo loo eegin gobol-gobol iyo wax la mid ah,Soomaaliya manta waxay u baahan tahay in laga gargaaro dhin dhaqaale,waxbarasho,caafimaad iyo sporti sidaas daraadeed ururada manta guddoon saday in ay hal weji ku shaqeeyaan waxay awood u leeyihiin in waddanka u gurmadaan ayagoo og in tasahiilaadka ay ayaga haystaan in aad ugu baahan yihiin ciyaartoyda Soomaaliya ku sugan, nin baa waa hoore waxaa laga wariyay: “markii aan taag laha talo maheynin,manta oo aan talo hayana taag ma lihi”!!!!,  sidaas daraadeed waxaan ururada midoobay kula dar-daarmayaa in manta eyan talada seegin.

Qore: Aw. Xussein Diiriye Afrax
Edmonton, London, UK.

zp8497586rq
© 2012 Ciyaartoy.com - All rights reserved. · RSS Farsamadii AqoonKaal.com