Kooxda Dahabshiil oo ka badisay Jamhuuriya

Kooxda kubbadda Dahabshiil ayaa maanta 1-0 kaga adkaatay kooxda Jamhuuriya oo ay galabta ku wada ciyaareen garoonka Banaadir, kulan ka tirsan horyaalka kooxaha heerka labaad ee dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid adag ayaa labada koox waxa ay soo bandhigeen ciyaar la jecleysto, waxaase gabagabadii guusha la hoyatay ciyaartoyda kooxda Dahabshiil.

Illaa siddeed koox ayaa ka qeybgaleysa tartanka kooxaha heerka labaad ee dalka Soomaaliya oo 3-dii bishan ka furmay magaalada Muqdisho.

Berrina waxaa wada ciyaari doona kooxaha Gantaalaha iyo FC Banaadir.

Xigasho: Bar-kulan

Leave a Reply

MAQAALLO »

Xafladii Soodhoweynta Gabdhaha Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga

Waving Flag Somali

ASFA – Australian Somali Football (Koobkii 2-aad) 2011

Heesta ciyaaraha iyo Fuad

© 2012 Ciyaartoy.com - All rights reserved. · RSS Farsamadii AqoonKaal.com