Isboorti oo booqasho sharaf ugu tagay Axmed Cabaas Busuri

 

Isboorti oo booqasho sharaf ugu tagay  Axmed Cabaas Busuri


Qaar ka tirsanaa cayaaryahannadii hore ee qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo koleyga ee ku nool  gobolka Minnesota  ayaa booqasho gaaban ugu tagay halyeygii caanka ahaa ee qaranka Soomaaliyeed  kubadda Cagta iyo naadigii Muqdisho Axmed Cabaas Busuri  oo isagu ku nool  magaalada Ann/arbor ee gobolka Detroit Machigan.
Axmed Cabaas ayaa isagu baryahan dambe waxaa soo wajahay xanuun Rabbaani ah oo kaga dhacay Murqaha,kaasi oo ay  garan l’a yihiin dhaqaatiirta caafimaadka waxa keenay dhibaatadaasi.
Duruuftaasi caafimaad ee qabsatay ciyaartooygaasi qiimaha ku lahaa  Isboortiga  Soomaaliyeed ayaa waxay  nagu dhalisay inaanu soo booqano oo soo eegno xaaladdiisa Caafimaad,isla markaana aan dareensiino inaan markasta garab taaganahay wixii karaankeena ah taasi oo ah waajib Islaanimo oo na saaran ayuu yiri mid ka mid ahaa cayaaryahanndii halkaasi booqday…Sidoo kalena waxaan halkaasi ugu gudbinay salaan diiran oo aan uga sidnay bulshada isboortiga ee gobolka Minnesota.


waxaa halkaasi baaq baraarujin ah loogu diray dhamaanba asxaabtiisa gaarka ahaa ee isboortiga iyo bulshada isboortiga noocyadooda kala duwan ee sida gaarka ah u yaqaanay halyeey Axmed Cabaas inay ka warqabaan xaaladdiisa caafimaad iyo taakulaynta uu u baahan yahay markastaba.
Haleeyada Isboortiga ee halkaasi booqday ayaa  waxaa ka mid ahaa: Cabdirizak said “Marshaale” C.raxmaan Guuleed “Aamaan”, Cabdulqaadir Nuune, Cabdulqaadir Yuusuf Ciise” Madaxey” iyo Cabdulqaadir Xaaji Daahir “Shiikha”.
Waxaa kaloo halkaa Joogay Macallin Axmed Carab iyo Inj. Cumar oo  ka mid ahaa dadka degaanka ee sida aadka ah uga warqaba xanuunka cayaaryahan Axmed Cabaas Busuri.
Macallin Axmed Carab oo isagu ka mid ahaa macallimiintii ugu wanaagsanayd ee soo marta isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubadda koleyga  ayaa isagu si aad ah uga sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray isboortiga Soomaaliyeed oo uu goob joog u ahaa,sidoo kale waayo farxadeed iyo kuwo uurkutaalo ahaa  ayaa dib loo xusuustay.
Ugu dambayntii waxaa halkaasi hadalo mahadcelin ah ka soo jeediyay halyey Axmed Cabaas Busuri oo halkaasi ka sheegay inuu dareemayo farxad asaga iyo qoyskiisaba, waxaana uu ka codsaday bahdii isboortiga meel kasta oo ay joogaan inay  faataxada u soo akhriyaan si Allah uga dulqaado dhibaatada ku dhacday….Waxaana munaasabaddaasi ay ku soo idlaatay  duco iyo caafimaad buuxa oo Allah looga baryay jnuu siiyo walaalkeen Axmed Cabaas.

Taariikh nololeedkiisa isboorti oo kooban
Axmed Cabaas Busuri waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Boondheere taariikhdu markay ahayd Febraury 29/1964kii..waxbarashadiisa dugsiga hoose iyo dhexe waxaa uu ku qaatay  Yaasiin Cismaan,dugsiga sarena waxaa uu ku dhammaystay Sakhaawuddiin iyo macallin jaamac.
Ciyaaraha waxaa uu bilaabay isaga oo aad u da’yar oo uu aad u jeclaa Kubadda cagta…Dugsiga dhexe ee Yaasiin Cismaan  ayuu u ciyaaray, sidoo kalena cayaarahii  xaafadaha ee degmada Boondheere ayuu ka qaybgalay isaga oo u saftay kooxdiii la oran jiray Jeenyo.
1981 kii ayuu ka mid noqday 16 dhallinyaro yaryar oo uu barbaarinayay macallin Jarmal ahaa oo la oran jiray Klaus.kaasi oo uu si aad ah uga faa’iidaystay, waxaana arrintaasi uu uga mahadcelinayaa oo ka qaybgalka tababarkaasi sabab u ahaa nin la oran jiray Ismaaciil oo ku magac dheeraa “Aaciilka” kana shaqayn jiray Wasaaraddii Isboortiga.
Isla sannadkaasi waa 1981kii ayuu markii ugu horaysay u cayaaray kooxdii K/cagta heerka 2aad ee naadigii Muqdisho,dabadeedna ciyaarihii gobolada ee caanka ahaa ayuu ka qaybgalay  oo uu u saftay gobolka Banaadir,iyaga oo tartanka cayaarahaasi ka galay kaalinta 2aad oo kooxdii gobolka jubbada Hoose ay uga adkaadeen 1 iyo 0 cayaartoodii kama dambaysta ahayd.


Mar uu ka hadlayay Ciyaarihii ugu fiicnaaa, uguna farxadda badnaa ayuu ii sheegay inay ahayd cayaartii  semifinalkii ee dhex martay gobolada  Banaadir iyo Woqooyi galbeed oo isagu uu dhaliyay goolkii guusha iyada oo waqtigu uu ka harsan yahay 13 daqiiqo oo kaliya, sidoo kalena 1986kii ciyaartii kama dambaysta ee koobka horyaalka oo kooxdiisa Muqdisho ay 3 gool iyo 1 ku majaxaabiyeen kooxdii Madbacadda, halkaasina ay ku qaateen koobkii Horyaalka ee dalka…waxaana Axmed Cabaas sannadkaasi loo aqoonsaday cayaaryahankii ugu wanaagsanaa “Best Player”
1985kii ayaa loo magacaabay cayaaryahannadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana uu ka qaybgalay cayaaro caalami ah isaga oo la cayaaray waddamadii kala ahaa: Uganda, Ruwanda, Burundi. Zimbabwe,Kenya,Nayjeeriya iyo Sacuudiga.


Axmed haatan  Waa Xaas leh  afar caruur ah,waxaana uu ku nool yahay magaalada Ann arbor ee gobolka Machigan(USA).

Diyaariye:Shiikha

Leave a Reply

© 2012 Ciyaartoy.com - All rights reserved. · RSS Farsamadii AqoonKaal.com