Sidaan la wada socono xulka qarnka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dhawaan ka qeybgalay tartanka koobka Bariga iyo Bartamaha Africa ee lagu qabtay dalka Tanzania . Nasiib darro tartamada noocan ah ee uu xulka ka qeybgalo ayaa markasta uu ku haraa wareega kowaad. Inta laga warqabo taariikhda ciyaaraha kubadda cagta Soomaaliyeedna weligii uma soo gudbin ciyaarta Semi-Finalka. Haddaba si aan u ogaano dhibatooyinka hortaagan xulka Soomaaliya ayaanu wareysi ku saabsan arrintan la yeelanay
1 ma inoo faa’faahin kartaa waxaad ula jeedo Qorshe xumo iyo faragelin?
2 Diyeeshe Haa, waxaa jirto in madaxda xiriirka kubadda cagta ay markasta soo farageliyaan shaqada tababaraha xulka qaranka , isla markaana aanu tababaraha u gudan Karin shaqadiisa sida uu isaga rabi lahaa
3 Marka la xulayo ciyaartooyda xulka qaranka, ma xiriirkaa soo xusha misse tababaraha?
4 Diyeeshe Tababaraha wuxuu halkaasi u joogaa magac keliya ee ciyaartooyda waxaa soo xusha madaxa xiriirka kubadda cagta. Waxaa intaasi ka sii daran in madaxda xiriirka ay iyagu soo gudbiyaan magacyada 11 ciyaartooy ee garoonka geli lahayd. Mararka qaar waxay yimadaan halka ay ciyaartooyda ku xareysan yihiin iyagoo u sheega sidii ay u ciyaari lahayeen. Tababarihii ka madax adeegana waxaa laga qadayaa xilka.
5 Dhanka tababareyaasha iyagu ma waxay ahayeen ceeb ka saliin?
6 Diyeeshe Tababare loo soo xulay ciyaartooydiisa isla markaana aanu xitaa u madax bananayn 11ka ciyaartooy ee uu isaga rabo inuu garoonka geliya, waa maxay eeda aan saari karno? Tababaraha waa in lo dayaa shaqadiisa, markaana lala xisaabtamaa haddii uu ka soo bixiwaayo xilkiisa.
7 Maalmahan dambe waxaa caado noqotay in ciyaartooyda xulka qaranka qaar ka mid ah laga keeno dibadda sida North America iyo Yurub. Sideed u aragtaa arrintan?
8 Diyeeshe Fikrada ahaan ma xumo, laakin su’aasha aan is weydiinayo waxay tahay side loo soo xulay? Ma ciyaartooydan waxay ka qeybgalaan tartamo joogto ah, misse waxaa lagu arkay oo keliya tartanka Somali Week oo socda inta badan muddo ka yar 2 todobaad. Tankale waxaan maqlaa in ciyaartooyda dibadda ka tagta inta badan inaan la ciyaarsiin, marka ma fahmi karo sababta
9 Ugud dambayn maxaad xal u aragtaa si loogu gudbo guuldarradan aan dhamaadka lahayn?
10 Diyeeshe Hadda runtii marka loo eego dhibaatada ka jirta waddanka waxaan oran lahaa oo keliy xulka qaranka ha loo sacbiyo waayo ma ahan wax sahlan in meel xabad ka dhaceyso tababar lagu qaato laguna soo diyaariyo koox ka qeybgaleysa ciyaar caalami ah. Insha Allah dhibaatadan wey dhamaan doontaa.
by ISMAACIIL MAXAMED CUMAR DIYEESHE
Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.



asc. waxan u malaanaya in eey fiicantahay fikradaha in lawada arko waayo mante waxa jiro
macalimiin badan oo somaali ah oo hore u wadey qaranka somaliyo hadan wado hadabo macalinkii ciyaartooy loo xuley am la yirahado dheeli sii waxan idin weey diinaya maxuu faiday//////Hadaba waxa jiro macalimiin somaliyo qiimow wen ku lih kuwii hore iyo kuwa hada joog,,,,kuwii hore waxa ka mid ah ibraahin sudan ..cumar can jestow ..geften ..baskuwaale..
kuw hadan waxa ka mid ah maciln geela iyo shiikhalowiyo maxamuud adkeeso…iyo fara yare oo sida taarikhada eey qortey in uu dhoor jeer uu badiyaymarkuu waday xulka qaranka soomaliyeed 17jirka ma waxan dhahnaa aygan waxbaa loo qori jiray…jawaabta waa maya….
hadabo si kale waxa u saxa laakiin sharafta macalamiint ha la dhoowro wayo isagoo hanti qaadaneeni in hada ku shaqeenayo meel dagaaalo ka socoda in layiraahado waxab ma ahan waa lag fiican yahay…aad iyo aad ayaad u mahad san tihiin somaliyo gool…somaliyo gool….