Gobolka Sool iyo Gobolka Awdal ayaa galabta ciyaar aad xiiso badani ku dhexmartay garoonka kubadda Cagta ee magaaladda Buco ee gobolka Togdheer, haseyeeshee waxay xulka labdan gobol isla dhaafi kari waaayeen barbar dhac 1-1.
Labadan gobol ayaa wakhtigii hore ee Ciyaarta wax gool ah aan kala dhalin oo Eber iyo Eber isku dhaafi waayey, balse daqiiqado ka dib markii ciyaarta lagu soo noqday 15 daqiiqo ka bacdi gobolka Sool ayaa ay u suurtogashay inay goolkii kowaaad dhashadaan, iyadoo Ciyaartoga numbarka 11aad Maxamed Cawil Xasan uu gobolkaasi u saxeexay goolka kowaad, haseyeeshee wax yar ka dib afartan ilbidhiqsi marka laga joogo goolkaasi dhashay ayaa ciyaartowga u ciyaarayey xulka Gobolka Awdal ee numbarka 9 sitaa Maxamed Aw Maxamed keenay goolkii barbar dhaca, kaas oo ciyaarta ka dhigtay mid adag oo 1-1 ku kala joogaan.
Labadan gobol oo ku jira kooxda B, Waxaanay wakhtiyadii dambe ee dabayaaqada qolo waliba isku dayday inay goolka guusha ah keensato, balse labada qoleba oo u muuqday in mid waliba ku adkaysto goolkiisa fursadna daydaydo ayaanay u suurtagalin inay kala badiyaan, sidaasna ku dhamaatay weerar iyo weerar celis ciyaartiina ka dhigtay barbar dhac iyo kalama adkaan.
Tartanka Ciyaaraha ee gobolada Somaliland ayaa galay maalintii labaad, iyadoo dhamaan taageerayaasha goboladduna si xamaasadaysan indhaha ugu hayaan, qola waliba jeceshahay inay tartankan guul ka soo hooyaan.
Xigasho: Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online


