Tababare Shiikha oo xilkii iska casilay.

Tababare Cabdiqadir Xaaji daahir (Shiikha)

Waxaa maalintii Khamiista, taariikhduna ay ahayd 5/5/2011,  xilkii tababaranimo ee wiilsha qaranka kubadda kolayga Soomaaliyeed iska casilay tababare Cabdiqadir Xaaji daahir (Shiikha). Haddaba tababare Shiikha oo isaga iyo qoyskiisuba ay degan yihiin gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ku cadeeyay sababaha kalifay in uu is casilo warqad qoraal ah oo u diray guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga.

Waxaa isaguna sidoo kale xilkii uu hayay XSKK iskaga casilay Kusimaha Xoghayaha Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed, Faarax Jaamac Nuur (Faarax Odey). Halkan ka daawo video muuqaal ah oo ku  saabsan sababta uu Faarax Odey isaguna isku casilay.

Faarax Jaamac Nuur (Faarax Odey)

 

Qoraalkan ama bayaankan hoos ku xusan ayuu macalin, halyay iyo tababare Shiikha uu ku muujinayaa sababta uu isku casilay iyo go’aamada ka danbaysay.

KU: Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga.

OG: Guddoomiye ku xigeenada xiriirka S/K/Koleyga.

OG:Xoghayaha guud ee XSKK.

OG: Kaaliyayaasha Xoghayaha XSKK.

OG:Tababarayaasha XSKK.

OG: Guddoomiyaha guddiga Olimbikada Soomaaliyeed.

OG: Guddoomiye Xigeenka Olimbikada Soomaaliyeed.

OG: Xoghayaha Olimbikada Soomaaliyeed.

 

 

Ujeeddo: Is casilaad

Taariikh:05/05/2011

Ka dib markii aan si qoto dheer u fiiriyay sababihii lagu joojiyay (Cancellation)cayaarihii aan muddada u diyaargaroobaynay, kuna bixiyay juhdi faro badan,waqti, iyo dhaqaale, iyada oo aanan xataa wax talo ah layga galin, lana tixgalin hawsha culus  aan ugu maqnayn XSKK iyo  Olimbikada Soomaaliyeed oo ah hay’adda ugu sarreysa isboortiga Soomaaliya.

Ka dib markii aan arkay,xuuraansaday dhaqdhaqaaqyada baahsan ee ka dhex jira bahda  qurbajoogta K/koleyga, is xulafaysiga,iyo iska horkeenka walaalaha kubadda koleyga,ayna dhalin karto sharaf ka dhac ku timaada shakhsiyaddayda qof ahaaneed.

Aniga oo ah tababarihii xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha Kubadda koleyga Cabdulqaadir Xaaji Daahir (Shiikha), waxaan halkan idiinkula socodsiinayaa in gabi ahaanba aan iska casilay hawshii tababaranimo oo aan ugu qornaa XSKK marka laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 05/05/2011.

Waxaan idiinka rajaynayaa in jagadaasi aad u soo magacawdaan cid kale oo waqti u haysa, jecel, amaba dani ay ka haysay.

Sidoo kale kubadda koleyga Soomaaliyeed ayaan u rajaynayaa mustaqbalka inay ku tallaabsato horumar iyo guulo.

Mahadsanidiin

Tababare: Cabdulqaadir Xaaji Daahir (Shiikha)


 

Leave a Reply

© 2011 Ciyaartoy.com - All rights reserved. · RSS Farsamadii AqoonKaal.com